Home WARARKA GUDAHA XOG: Boorsooyin Lacag ah Oo La Geeyey Baydhabo & Murashaxa Ugu badan...

XOG: Boorsooyin Lacag ah Oo La Geeyey Baydhabo & Murashaxa Ugu badan Ee Heysta Codka Xildhibaanada

503
0
SHARE

Magaalada Baydhabo Ee Caasimada Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa in halkaas ay ka jirto Saxmad Badan oo ku aadan Doorashada Ka dhaceysa K/Galbeed iyo Saadaalinta la bixinayo.

Lacag badan ayaa La geeyey Magaaladaasi,waxaana la sheegayaa in la iskugu faanayo Dhaqaale badni iyo Xod xodashada Xildhibaanada.

Magaalada Waxaa ka socota Kala qaadashada codka Xildhibaanada mid walbo murashaxiinta ahna waxa uu rabaa in isaga guusha hantiyo.

Maxamed Aadan Fargeeti Wasiirkii hore Ee Maaliyada Soomaaliya waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu cad cad ee doorashadaasi ubaratamaya inay guuleystaana ku haminaya.

Fargeeti ayaa Ganacsi ka sameeyey baydhabo,Hoteel Weyn ayuu ka furtay Baydhabo,waxaana uu heystaa Taageero Dadka Deegaanka ah.

Lacag Boorsooyin ku jirta ayaa la sheegay inay Dawlada federaalka Soomaaliya geysay Baydhabo si C/casiis Xasan Lafta Gareen iyo Xuseen Cusmaan Xuseen Midkood kusoo saarto.

Xuseen Cusmaan waxa uu iska casilay dhawaan Taliyaha NISA waxaana kadib uu isku soo taagay Qabashada Madaxweynaha Cusub Ee K/Galbeed uu doonayo.

Sidaas si la mid ah C/casiis Lafta gareen waxa uu iska casili rabaa xilka wasiirka howlaha guud kadibna uu rabo Murashax unoqoshada Madaxweynaha Cusub Ee K/Galbeed.

Waxa Murashaxa ugu lacagta badan lagu sheegay inu yahay Mukhtaar Rooboow abu Mansuur,xilli shariif xasan uu wajahayo culeys ah inuusan Kursigaas kusoo laaban doorashada dhaceysa 17 November 2018.

LEAVE A REPLY