Home BULSHADA #Xanaaqa xilliga Caadada Premenstrual sydrome??

#Xanaaqa xilliga Caadada Premenstrual sydrome??

151
0
SHARE

¶= Waa isbadalada ku dahca dumarka xilliga caadada ka hor waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa “(Premenstrual sydrome)” loona soo gaabiyo “PMS”

¶= waxaana la dareemaa 7da illaa 10ka maalmood ee ka horayso xilliga caadada.
taasoo uu dareemi karo qofka wada shaqaynta ka dhaxayso khaas ahaan lamaanahaaga.

¶= Waxaa dhici karto hadduu lamaanahaagu uusan aqoon u lahayn isbadalaadan ku dhacayo jirkaaga oo ka baxsan awoodaada in uu kuu qaato si kale ama xiriirkiina uu xumaado,

¶= laakiin hadduu fahmi lahaa ama ogyahay waxa jiro waa xilli aad u baahan tahay in la fahmo xaalada aad ku sugan tahay, taasoo wax badan kaa khafiifin karta.

#Astaamaha lagu garto xaaladdaan:
1Kacsanaan niyadda ah
2:- Xanaaq
3:- Niyad jab ama we
4:- Oohin iyo isxumayn
5:- Qofka oo wax uusan dhibsan jirin dhibsado
6:- Hadal kulul ama hadal adag
7:- Murugo iyo caro isla socoto
8:- Neefoosnimo iyo hadalka oo si kale loo fasirto

¶= Haweenka qaar waxay dareemaan xaalad daran oo keeni karta in caruurta iyo ninkaba ay ku jeesato oo gurigaba isku badalo buuq iyo dagaal.

#Xasuunow xilga Caadada aritaan
¶= Haddii aad dareentid xaaladahaas ogow hana isla yaabin waa arrin caadi ah oo ay kula qabaan dumar badan,
¶=laakiin waxaa habboon in ay fahmaan dadka kula nool khaas ahaan seygaaga si uu kuugu turo, kulana qeybsado culeyska ku saaran.

#Maxaa keeno cilladaan?
¶= Waa arimo la xiriirto isbadallada hormoonka ee jirka ku dhaca khaasatan hormoonka loo yaqaano “(estrogen)”

#Fiira gaar ah asxaabey
¶= Furriinka iyo shaqada oo la waayo ma keento xaalada “PMS” waa arrin la xiriirto caadada kaliya.

#Sidee arintaan loo xalliyaa?
Haweenka badankood waxay ku fiicnaadaan markii ay badalaan nolol maalmoodkooda, laakiin kuwa aadka u daran waxaa la siiyaa daawooyin, kuwaas oo niyadda u dajin karo.

#Waxyaabaha dabiiciga ah ee lagu kontarooli karo xaaladaas waxaa ka mid ah:
√= Jimiscisga:
√= dabaasha,

√= Cunnada oo la yareeyo oo la cuno dhowr jeer oo siku dhow-dhow iyadane waxaa la arkay in ay ka qayb qaadato dajinta kacsanaanta qofka.

√=Kaalsiyamka oo la qaato iyadane waxaa lagu arkay inuu yareeyo waxyaabo badan oo ka mid ah astaamaha la dareemo laakiin lama ogo qaabka uu kaalsiyamka uga qeyb qaato

√=Ka fogow cunista waxyaabaha macmacaan, cabista muqaadaraadka

#Talo ku socoto ragga xaasaska leh:
1:- Ragga xaasaska leh waxaan leeyahay in aad ogaataan arrintaan idinkaa uga baahi badan xaasaskiina maadaama aad tihiin dadka saamaynta ay ku yeelanayso,

2:- haddii aadan fahminne waxay keeni kartaa isfahan darro, shakki iyo isneceyb,

3:- fadlan xaaskaaga u tur, la caadifoo oo la fahan xaalada ay ku sugan tahay, waa arrin ilaahay ku abuuray oo ka baxsan awoodeeda ma ahan wax ay iyada iska yeelyeelayso ama xakamayn karto.

4:- Wixii aad ku caawin kartid oo niyadeeda dajin karo ama ka qeyb qaadan karo inay ka khafiifiyaan arrintaan in aad la timaado,
wixii aad dhibsato in aadan waxba ka soo qaadin,

5:- haweenka markay xaaladaan ka baxaan aad ayay iskula yaabaan markaa u sheegtid wixii ay samaysay ama qaabkii ay kuula hadashay, taasi waxay tilmaan u tahay in markii ay xaaladaan ku jirto in aysan caadi ahayn.

From your brother
” Dr-Abdirahman Walba
I wish u best

LEAVE A REPLY