Home BULSHADA WAA KUMA YUSUF ÇIM?

WAA KUMA YUSUF ÇIM?

SHARE

Waa jilaa, heesaa iyo soo jeediye TV u dhashay wadanka Turkiga, kuna dhashay magaalada Istanbul oo ah xarunta dhaqanka iyo dhaqaalaha wadankaas sanadka markuu ahaa 26-September-1991, wuxuuna ku jiraa mihnadda uu ku xamaasho hadda muddo shan sanadood ah oo qura maadaama uu bilaabay sanadkii 2013.

Marka laga tago saddexda minhadood oo aan kor kusoo sheegay, sidoo kalana waa wiil qurxdiisa ay gaarsiisay inuu noqdo ragga dharka xayeysiiya, wuxuuna ka qeybgalay bandhigyo kala duwan oo ay qabteen shirkadaha kala ah: Damat, Kiğili, Tween, Ralp Lauren, Hatemoğlu, Polo, Mango, Marks & Spencer.

Inuu heeso wuxuu bilaabay inuu heeso sanadkii 2013 isagoo markaas 22-jir ah, wuxuuna kusoo caan baxay albumkiisa Olsun Bi Kere, albumkaan wuxuu ka koobnaa kaliya afar heesood oo isku mid ah balse lakala duway qaababkooda.

Shirkadda Leo Medya ayuu la saxiixday heshiiskii ugu horreeyay dhanka jilaanimo, wuxuuna kasoo muuqday taxanaha Ezra kaas oo uu qoray isla markaana hage ka ahaa Tayfun Güneyer, wuxuuna ku jilay door uu kormeere guud ka yahay shirkad kuna matalay magaca Mustafa, sanadkii 2015 wuxuu kasoo muuqday filimk goor dhaw ay turjumeen shirkadaha dalka – Çilek Kokusu kaas oo ay kala soo muuqatay Demet Özdemir, filimkaan wuxuu ku jilay magaca Burak Mazharoğlu, waxaa u xigay saddex taxane Hanım Köylü (2016) İçimdeki Fırtına (2017) iyo Seven Ne Yapmaz (Isla 2017).

DHANKA WAXBARASHADA:
Yusuf markuu ka baxay dugsiga sare wuxuu dalbaday Anatolian Technical and Vocational School of Computer Technology, si fiican ayuu ugu guuleystay, sidoo kalana wuxuu isku taxalujiyay inuu barto mihnadda jilaanimo isagoo galay jaamacadda State University of Radio and Television.

Intii uu halkaas ku jiray wuxuu noqday shaqsi aad ugu soo baxaya door walba, waxaana lasoo xiriiray shirkado badan sanadkii 2011 wuxuu noqday kii ugu fiicnaa ragga wax xayeysiisa dalkiisa.

NOLOSHIISA GAARKA AH:
Yusuf waa wiil dhalinyaro ah oo doonaya inuu hormar ka gaaro noloshiisa, sida lagu xanto wuxuu mar xiriir la sameeyay Demet Özdemir (Asli) oo ay mar kasoo wada muuqdeen taxanaha Çilek Kokusu sanadkii 2015, balse sidoo kale waxaa jira wararka qaar sheegaya iney kala hareen.
Yuusuf waa kan ugu yar saddex wiil oo uu qoyskooda ka kooban yahay.

XAQIIQO XIISO LEH:
Yusuf wuxuu si qoto dheer ula shaqeeyaa hay’adaha samafalka, gaar ahaan kuwa gar-gaara caruurta xanuunsan, sidaas darteed wuxuu u raadiyaa taageero iyo in la maalgaliyo.

SIDUU CAAN U YAHAY?
Waa qofka 33-aad ee ugu caansan dunida dadka dhashay September
Waa qofka 1-aad ee ugu caansan dunida ee magaciisa Yusuf ka bilowdo.
Waa atooraha 4-aad ee ugu caansan kuwa Turkida.
Waa qofka 33-aad ee ugu caansan dadka Turkida.
Waa qofka 12-aad ee ugu caansan dadka ku dhashay Istanbul.

Qoraalkaan anigaa doortay inaan isku aadiyo soona turjumo, waxaanse ku fakaray iney jiraan dumar badan oo xiiseynaya wax ka ogaanshaha shaqsiyadda Atoorahaan.

Mudooyinkaan dambe dumarkeena Soomaalida ah ee sida waalida ah u daawada Aflaanta Taxanaha ah iyagoo af qalaad ah ama la turjumay ayaa baraha bulshada soo dhiga iyagoo muujinaya taageerada ay u hayaan, walow ay qaarkood ku kaftamaan inuu dhankooda Jiro.

Ka Raali noqo hadii ay ku xiiso galin weysay ama aadan jecleysan, bal MENTION dhaha Gabdhaha xiiseeya Musalsalada.

F.G: Qofkii raba inuu wax gaar ah iga codsado, fariin ahaan wuu igula wadaagi karaa, waan isku dayi doonaa intaan awoodo.

Waxaa Qoray: Abdirashid Mohamud Nor

Image may contain: 2 people, people smiling, closeup

LEAVE A REPLY