SHARE

Waa jilaa, soo jeediye TV iyo shaqsi lagu tixgeliyo inuu sameeyo xayeysiiska, waa wiil ku dhashay magaalada Mumbai, 16-kii May 1986, wiilkaan wuxuu xaadir ku yahay mihnadiisa ilaa 2006, waxaana aad loogu aqoonsaday doorkiisii Ranveer Vaghela ee taxanahiisa hirgalay Meri Aashiqui Tum Se Hi kaas oo la daawaday intii u dhaxeysay 24-kii June 2014 ilaa 19-kii February 2016.
Muuqaalkiisii ugu horreeyay wuxuu ku yeeshay taxanaha aan la buun-buunin ee Ssshhhh...Phir Koi Hai kaas oo intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009 ka socday Star Plus.
Sanadkii 2015 wuxuu u ahaa sanad u fiican maadaama uu helay dhawr abaalmarin, wuxuu helay abaalmarinta jilayaasha soo koraya kan ugu fiican isagoo hantay 23rd Kalakar Awards, sidoo kale astaanta dhalinyarada (Ragga) ayaa la siiyay, isal sanadkaas xiddiga ugu caansan sanadka ayaa la siiyay, hana ka reebin in la siiyay xiddiga ugu qurxoon uguna qaabka wanaagsan, dhamaantood wuxuu ku hantay taxanaha Meri Aashiqui Tum Se Hi.

DHANKA WAXBARASHADA:
Shakti wuxuu ka qalin jabiyay St Columbus waxbarashada heerka sare, wuxuuna nasiib u yeeshay inuu Amity University ka diyaariyo kuliyadda Media iyo Communications, sidoo kale wuxuu degree ka heystaa Ganacsiga, duulimaadka iyo dalxiiska.

NOLOSHIISA GAARKA AH:
Shakti wuxuu si qarsoodi ah u guursaday Neha Saxena oo iyadana ah gabar jilaa ah oo ku dhex jirtay mihnadaan tan iyo 2009 waxeyna caan ku tahay doorkii ay ku matashay taxanaha Sajan Ghar Jaana Hai, balse saxaafadda ayaa faafisay markii dambe.

XAQIIQO XIISO LEH:
Shakti wuxuu dhanka ragga jilayaasha taageero u yahay Aamir Khan iyo Tom Hanks, dhanka dumarkana Katrina Kaif iyo Alia Bhatt, sidoo kale wiilka reer Pakistan ee Sham Idress ayuu aad u jecel yahay dhanka fanaaniinta.
Shakti ma cabo sigaarka, sidoo kalana ma cabo khamriga, balse wuxuu heystaa diinta Hinduuga – waa xog laga qoray – (Iney hubanti tahay, ma hubo).
Wuxuu shaqooyinkiisa ka bilaabay (Travel Agency-yo), sidoo kalana mar waxaa jirtay uu ka shaqeyn jiray (Goobaha taleefoonada laga dirsado – Branch).
Awoowgiis waa qof caan ka ah Bollywoodka waana Chandrashekhar oo qiyaastii kasoo muuqday 100 filim oo Hindi ah wuxuuna kasoo muuqday filimo ay ka mid yahiin: Shakti, Sharabi, Kali Tap Lal Rumal.

SIDUU CAAN U YAHAY?
Waa qofka labaad ee ugu caansan dadka magacooda koowaad uu yahay Shakti.
Waa qofka 31827-aad ee dunida ugu caansan.

Abdirashid Mohamud Nor – Qofkii aad ku ogtahay inuu aad u xiiseeyo Mention gareey ha akhristee.

Image may contain: 4 people, people smiling, sunglasses and closeup

LEAVE A REPLY