Home CIYAARAHA WAA KUMA PEP GUARDIOLA?

WAA KUMA PEP GUARDIOLA?

SHARE

Josep Guardiola Sala waa Spanish ku dhashay dagmada Santpedor ee dhacda bartamaha Catalonia, waana 47-jir dhashay [18 January 1971], ku darso inuu 48-jirsan doono tobanka labad ee bishaan January.
Guardiola wuxuu xirfadiisa kubadda cagta soo bilaabay 1984 isagoo ka bilaabay kuleejka La Masia oo ay kasoo aflaxeen ciyaartoy badan, 15-sanadood uu kooxdaas ciyaartoy ahaan ugu sugnaa wuu soo afjaray 2001 isagoo ku biiray Brescia kaibna wuxuu u ciyaaray Roma, Al-Ahli iyo Dorados.
Qarankiisa wuxuu kasoo muuqday 47-jeer isagoo u dhaliyay 5-gool oo qura, sidoo kale Catalonia ayuu u ciyaaray 7-jeer oo qura.
Xirfadiisa kubadda cagta wuxuu saftay in ka badan 520 kulan, isagoo dhaliyay tiro goolal dhan 28, walow xog aruuriyayaasha ay shaki ka muujiyeen tirada.
Waqtigiisa tababaranimo wuxuu leyliyay Barcelona (B), Barcelona, Bayern Munich & hadda Man City – 387-kulan ayuu kursiga keydka fariistay, 292-guulood, 59-barbaro iyo 36-guuldaro, 973 gool ayey dhaliyeen kooxahiisa, halka laga dhaliyay 289-ool, guulahiisana waa 75.45%.
Ciyaartoy ahaan wuxuu kooxahiisa la qaaday 15-koob, kaliya Barcelona ayuu la qaaday labada heer ee (B) iyo (A).
Ka tababare ahaan wuxuu Barcelona la qaaday 14-koob, Bayern (7-koob), Man City (3-koob), waana wadar dhan 24-koob oo heerka sare ah.

SHAQSI AHAAN:
Guardiola waxaa iska dhalay Dolors iyo Valentí, waxaa la dhashay laba gabdhood oo ka waaweyn iyo wiil ka yar (Pere) waana wakiil kubadda cagta ah.
Waa qof aan diin laheyn (Sida la baahiyay)
Guardiola wuxuu la kulmay xaaskiisa isagoo 18-jir ah, waxeyna is guursadeen 29-kii May 2014, saddex caruur ah ayey isku dhaleen oo kala ah: Maria, Màrius iyo Valentina.
Guardiola waa shaqsi (qabiil) marka la sifeeyo hanaan jaceylkiisa dadka reer Catalonia, waana qof ay ku weyn tahay qadiyadda gobolkaas gooni isku taagga ah.
SIDUU CAAN U YAHAY?
Pep Guardiola waa tababaraha ugu caansan dunida kuwa jira 47-sano.
Waa macalinka 6-aad ee ugu caansan kubadda cagta.
Waa qofka 29-aad ee ugu caansan dadka dhashay bisha January.
Waa qofka 9124-aad ee ugu caansan dunida.

GUARDIOLA CIYAARTOYDA LASOO CIYAARTAY:
Pep Guardiola wuxuu lasoo ciyaaray boqolaal ciyaartoy, waxaana kasoo qaadaneynaa inta ugu magaca weyn, kaliya ciyaartoyda ay isku kooxda noqdeen:
Hristo Stoichkov (Bulgaria) Luis Figo (Portugal) Luis Enrique (Spain) Ronald Koeman (Holland) Rivaldo (Brazil) Frank de Boer (Holland) Romario (Brazil) Ronaldo 9 (Brazil) Luca Toni (Italy) Raul (Spain).

XAQIIQOOYIN U GAAR AH:
Guardiola waqtigii uu ka mid ahaa caruurta kubadaha soo qabto Camp Nou ayuu Michael Platini boor uu sawirkiisa kusoo xardhay uga dalbaday saxiix balse waa loo diiday.
Guardiola waqtigii uu ka mid ahaa caruurta kubadaha soo qabta wuxuu sidoo kale maaliyadiisa ka codsaday Gary Lineker oo hadda ka mid ah wariyayaasha BBC kana tirsanaa Barcelona waqtigaas, balse dhawr jeer ayuu u diiday.

Abdirashid Mohamud Nor

LEAVE A REPLY