Home CIYAARAHA WAA KUMA JURGEN KLOPP?

WAA KUMA JURGEN KLOPP?

54
0
SHARE

Jürgen Norbert Klopp waa German ku dhashay magaalada Stuttgart oo ah magaalada ugu weyn ahna caasimadda dowlad goboleedka Baden-Württemberg, waa 51-jir dhashay [16 June 1967], kuna darso in bartamaha sanadkaan tobanka labaad ee bisha June uu 52-jirsan doono.
Jurgen oo ka mid ah ciyaartoyda aan ku aflixin waayahooda gudaha garoonka wuxuu waayahiisa kasoo bilaabay kooxda SV Glatten sanadkii 1972 ilaa uu isagoo waliba da’yarta ku jira u guuray isla kooxda wadankiisa ee Ergenzingen.
Sanadkii 1987 ayuu soo gaaray heerka sare ee kubadda cagta ama uu saxiixay heshiis (xirfadlenimo ah), ka hor inta uusan imaan kooxda lagu amaano ee Mainz 05 wuxuu usoo ciyaaray kooxo aan caan aheyn oo ay ka mid yahiin: Rot-Weiss Frankfurt, Viktoria Sindlingen, Eintracht Frankfurt II iyo 1. FC Pforzheim – wuxuuna u saftay kooxahaas wadar ahaan kulamada horyaalada ay ka tirsanaayeen kaliya 9-kulan.
Mainz 05 waa kooxda uu ku sheegto abaalka ugu badan waana kooxda uu waqtigiisa ugu fiican ku qaatay intii u dhaxeysay 1990 ilaa 2001 oo uu ciyaaraha kaga fariistay.
Inta la xasuusto diiwaankana lagu qoray Jurgen wuxuu saftay 346 kulan isagoo dhaliyay 56-gool.
Nasiib xumo heerkiisa ciyaartoy, Jurgen wax koob ah kuma guuleysan markaan eegay diiwaanka u qoran, calafna uma yeelan walow uu 11-sanadood koox aan miisan ahaan weyneyn nafta u huray.
Heerkiisa tababaranimo wuxuu ku guuleystay 5-koob oo heer sare ah (Borrusia Dortmund) iyo hal koob oo heerka labaad ah (Main 05)
Guud ahaan wakhtigiisa tababarka wuxuu kooxaha leyliyay 614-kulan, 307-guul, 161-barbaro iyo 146-guuldaro – 1,122 gool ayey dhaliyeen 703-gool ayaana laga dhaliyay, wuxuuna heystaa isku cel-celis 50.00 wakhtigiisa oo dhan.

SHAQSI AHAAN:
Jurgen Klopp laba jeer ayuu guursaday, wuxuu guursaday gabar magaceeda lagu sheegay Sabine oo sanadkii 1988 u dhashay wiil uu u bixiyay (Marc) kaas oo isna kooxo badan oo jarmal ah u ciyaaray balse aan hormar fiican ka gaarin kubadda cagta. Diseembar 2005 Klopp wuxuu guursaday Ulla Sandrock oo ah qof u dhaq-dhaqaaqda bulshada sidoo kalana ah qoraa wax ka qorta arrimaha caruurta.
Markii ugu horreysay waxey ku kulmeen fasax sanadeedka laga xuso gobolka Bavaria ee Oktoberfest kaas oo ah xus la dhigo bartamaha ama dhamaadka September, waa la cunteeyaa oo la cabaa hadana la qoob ka ciyaaraa si loo weyneeyo maalmahaas.
Gabadhaan waxey horay u heysatay wiil lagu magacaabo Dennis kaas oo ay usoo dhashay seygeedii hore.
Jurgen Klopp wuxuu heystaa madhab ka mid ah diinta Kirishtaanka oo loo yaqaano Protestantism, waxaana heysta dad lagu qiyaaso 800 Malyan ilaa 900 Malyan waana 40% dadka heysta diinta Kirishtaanka. (Ka hadlidda diimaha kuma fiicni, waan ka cudur daaranaa inaan sii sharrixi waayay).

SIDUU CAAN U YAHAY?
Jurgen Klopp waa tababaraha ugu caansan ee u dhashay Jarmalka.
Waa qofka ugu caansan dadka magacooda ka bilowdo Jurgen.
Waa macalinka shanaad ee ugu caansan kubadda cagta.
Waa qofka 35-aad ee ugu caansan dunida dadka jira 51-sano.
Waa qofka 16-aad ee ugu caansan dadka dhashay June.
Sidoo kalana waa qofka 6810-aad ee ugu caansan dunida.
Ha iloobin inuu yahay qofka 4-aad ee ugu caansan dadka ku dhashay Stuttgart.

JURGEN KLOPP CIYAARTOYDA LASOO CIYAARTAY:
Klopp sida diiwaanka ku qoran ciyaartoyda uu lasoo ciyaaray ma fara badan inta la xasuusan yahay waan ka waayay ciyaartoy caan ah oo leh miisaaniyad sare laakiin waxaa ka mid ah xiddigii hore Iceland [Helgi Kolvidsson]

XAQIIQOOYIN U GAAR AH:
Jurgen Klopp waa shaqsi aad ugu caan baxay falanqeynta kubadda cagta sanadkii 2005 wuxuu la shaqeyn jiray German television network ZDF, sidoo kale koobkii Adduunka 2006 wuxuu ka mid ahaa falanqeeyayaasha dalkiisa kala qeyb galay buun-buuninta tartanka.

W/Q: Abdirashid Mohamud Nor

LEAVE A REPLY