Home BULSHADA WAA KUMA BURAK DENIZ?

WAA KUMA BURAK DENIZ?

196
0
SHARE

Waa jilaa u dhashay wadanka Turkiga kaas oo 17-kii February 1991 ku dhashay magaalada Istanbul, sidoo kalana isla magaaladaas ayuu deegaan ku yahay, filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa ARDA kaas oo soo baxday 13-kii April 2018.

Sidoo kale wiilkaan taxanayaashii ugu dambeeyay uu kasoo muuqdo waxey kala ahaayeen Bizim Hikaye (Taariikhdeena) oo laga soo minguuriyay taxanaha shactirada ah ee Britain caanka ka ah Shameless.

Burak Deniz wuxuu bilaabay inuu soo galo saaxadda jilaanimo sanadkii 2010, wuxuuna kasoo dhex muuqday taxanayaasha kala ah: Sultan, Kaçak, Medcezir, Tatli Küçük Yalancilar, Gecenin Kraliçesi, Aşk Laftan Anlamaz iyo Bizim Hikaye.

Sanadkii 2017 waxaa loo doortay jilaaga ugu fiican ee taxanayaasha waxaana abaalmarinta siiyay Adnan Menderes University.

QOYSKIISA & WAXBARASHADIISA.
Sida xogaha lagu sheegay Burak Deniz waalidkiis wey is fureen isagoo caruur ah, balse wuxuu waqti badan ku qaatay caruurnimadiisa magaalo xeebeedke Izmir, wuxuuna halkaas kula noolaa sida la sheegay Hooyadiis.
Sanadkii 2015 wuxuu mar baraha bulshada soo dhigay sawirka awoowahiis.
Wuxuu ahaa mid waqti ku bixiya yaraantiisa daawashada aflaanta, mar walbana ku riyoon jiray inuu noqdo jilaa caan ah, wuxuu go’aansaday inuu u guuro Itanbul markii uu dhameystay waxbarashada dugsiga sare.
Dhawr jeer uu ka qeybgalay bandhigyo jiliin ah kadib wuxuu aqoonsi ka helay Canakkale Onsekiz Mart University, waana wadada uu u maray maqaamka uu hadda joogo ee jilaanimada.

NOLOSHIISA GAARKA AH:
Inkastoo jilaayaasha Turkida arrimahooda gaarka ah ee qoysaskooda la xiriira aan si fudud lagu helin hadana waxa lasoo warinayaa in Burak Deniz uu guursaday sanadkii 2016 Bushra Devil. Waa xog aysan isku waafaqsaneyn shabakadaha qaarkood, balse waa sida loo badan yahay.
Waa wiil soo jiidasho badan, balse xanta la xiriira shaqsiyadiisa maahan mid dibada taala lamana oga hadii uu lamaan kale leeyahay.

XAQIIQOOYIN KOOBAN:
Waxaa jira waxyaabo gaar ah oo lagu tilmaamo, wiilkaan waxaa lagu neynaasaa Fawad Khan-ka Turkiga, qofka aan aqoon Fawad Khan – waa heesaa ahna jilaa reer Pakistan ah kaas oo ah dadka ugu maqaamka sarreeya dalkaas.

SIDUU CAAN U YAHAY?
Burak Deniz waa actorka labaad ee ugu caansan dunida kuwa ku dhashay Turkey.
Waa qofka 41-aad ee ugu caansan dunida dadka da’doodu tahay 27-sano.
Waa qofka 24-aad ee ugu caansan dunida kuna dhashay Turkey.
Waa qofka 360-aad ee ugu caansan dhashayna 17-ka February.
Waa qofka labaad ee ugu caansan magaciisuna yahay Burak.
Waa qofka 6-aad ee ugu caansan dadka ku dhashay Istanbul.
Waa qofka 12369-aad ee dunida guud ahaan ugu caansan.

Fadlan hadii aysan ku xiiso galin ka raali noqo, waxaanse kaa codsanayaa inaad Mention u dhahdid asxaabtaada kuwa aad is leedahay wey xiiseeyaan.

Waxaa qoray: Abdirashid Mohamud Nor

SHARE
Previous articleWAA KUMA SHAKTI ARORA?
Next articleWAA KUMA YUSUF ÇIM?

LEAVE A REPLY