Home WARARKA GUDAHA Qalbi Dhagax oo Hargeysa lagu soo dhaweeyay+Qorshe ka dhan ah DF

Qalbi Dhagax oo Hargeysa lagu soo dhaweeyay+Qorshe ka dhan ah DF

694
0
SHARE

Sarkaal katirsan ururka ONLF ee Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa socdaal lama filaan ah ku tagay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, waxaana wehlinaya saraakiil kale oo katirsan isla ururka ONLF.

Magaalada Hargeysa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay waxaana ka qeyb galay soo dhaweyntiisa qaar kamid ah madaxda iyo xisbiyada siyaasadeed ee ka dhisan Somaliland, waloow aan la mshaacin sababta ka dambeysa imaanshahiisa Hargeysa.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ayaa Jabhadda ONLF iyo urur kale oo hubeysan ka saaray liiska  Argagixisada waxaana magagaalada Asmara ee dalka Ereteria heshiis ku kala saxiixday Itoobiya iyo ONLF.

Shalay ayey aheyd markii wafdi ka socday jabhadda ONLF ay gaareen magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida kuwoo kulamo kala duwan la qaatay madaxda dowlad deegaanka.

 

LEAVE A REPLY