Home BULSHADA Maxay ka cabanayaan Ganacsatada qaadka ee Puntland?

Maxay ka cabanayaan Ganacsatada qaadka ee Puntland?

121
0
SHARE

Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso kama aysan soo degin diyaaradihii jaadka halkaasi geyn jiray.

Wareegto u soo saaray Madaxweyne Deni oo aan faahfaahina la socon balse lagu xusay in la joojiyey canshuur dhaaf la tilmaamay in loo samayn jiray ganacstada, hayadaha dawliga ah iyo kuwa madax bannaan oo kuwa caalamiga ahina ay ku jiraan ay sababtay ismaandhaafka taagan ee la kawsanyo hoggaanka cusub ee Puntland.

Inkastoo diyaaradaha sida qaadka aysan ka degin garoomada Puntland, haddana qaadka ayaa caadi loogu iibinayay gudaha deegaanada Puntland oo waxaa laga dejinayay dhanka Gaalkacyo.

BBC-da ayaa isku dayday inay faahfaahin ka hesho xafiiska Madaxweeynaha iyo wasaarada maaaliyadda noomana suurta galin taasi.Qaadka oo badi magaaloyinka waawayn ee Puntland diyaarado uga so qaadi jireen Kenya ayaan maalimihii la soo dhaafay ka so degin garoomada Puntland, sidaasooy tahayna sidiisii caadiga ahaa ayuu u yimadaa oo magaaloyinka Laascaanod iyo koonfurta Gaalkacayo oo garoomadoda qaadku ka soo dego ayuu ka soo galayey isagoo gaara ilaa bariga fog.

Inkastoo ganacsatada kale aysan soo dhaweyn, sida wararku sheegayaan tallaabadaan oo iyadoon golaha wasiirrada la soo dhisin uu Madaxweynaha cusub ku dhaqaaqay ayaa waxaa Garoowe soo garay ganacstada qaadka ka iyo kuwa kale iyagoo raadinaya xal arrintan laga gaaro waxayna kulamo la leeyihiin Madaxweyne Deni lamana sadaalin karo natiijada ka so bixi karta kulankaasi.Inta badan bulshadu ma jecla cunista qaadka iyo ka ganacsigiisa balse si ku dhaw quutal darruriga ayaa guud ahaan deegannada Somalida looga ganacsadaa.

Dadka dhalliilaya maamulka ayaa tallabadan uu qaaday madaxweynaha ku tilmaamay mid khasaaro u geeysatay hayadda maaliyadda sabatoo ah waxaa ka baaqday canshuurtii ka so xaroon jirtay qaadka. waxaana intaasi dheer in qaadku sidiisii u dhooban yahay suuqyada,

dhanka kale waxaa jira dad badan oo ku qanacsan tallaabada lagu joojiyay canshuur dhaafka ee Madaxweeyne saciid uuqaaday.

LEAVE A REPLY