Home WARARKA GUDAHA Mareykanka oo tiro Shabaab ah ku dilay duqeyn uu ka fuliyay Soomaaliya

Mareykanka oo tiro Shabaab ah ku dilay duqeyn uu ka fuliyay Soomaaliya

621
0
SHARE

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay Diyaaradaheeda aan duuliyaha laheyn in Duqeyn ay la beegsadeen Saldhig ururka Al-shabaab ay ku leeyihiin degaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika (AFRICOM) ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntan oo dhacday Isniintii shalay aheyd, ay si gaar ah uga dhacday degaan 40-KM Waqooyi Bari ka xiga Magaalada Kismaayo ee Jubbaland

Mareykanka ayaa sheegay in Duqeyntan lagu dilay 9 Dagaalyahan oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in weli ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, si loo soo bandhigo magacyadooda iyo xogahooda kale.

Sidoo kale Mareykanka ayaa qoraalkiisa ku sheegay Duqeyntan oo ay garab ka siiyeen Ciidanka gaarka ah ee Kummaandooska Soomaaliya inaan qof shacab ah lagu waxyeeleyn, maadaama bartilmaameedka uu ahaa mid qorsheysan.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan Saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka gaar ahaan Gobolada Jubbooyinka.

Al-shabaab ayaa dhawr mar lagu bartilmaameedsaday degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, halkaasi oo gaadiid looga gubay Saraakiilna looga dilay duqeymo kala duwan oo ka dhacay.

LEAVE A REPLY