Home WARARKA GUDAHA Kofi Anaan, xoghayihi hore ee Qaramada Midoobay  oo geeriyooday

Kofi Anaan, xoghayihi hore ee Qaramada Midoobay  oo geeriyooday

88
0
SHARE

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Kofi Anan ayaa ku geeriyooday da’da  80 jirka ah.

Mr Anan ayaa Qaramada Midoobey Xoghaye ka soo ahaa intii u dhaxeysay 1996-2006kii,waxaana la sheegayaa in xanuun yar uu u geeriyooday.

Waxaa uu ka tagay hal xaas iyo saddex Carruur ah oo lagu kala magacaabo Ama, Kojo iyo Nina.

Kofi Anan,waxaa uu heystay Billadda Nabadda Adduunka ee Nople-ka,waxaana uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo xoghaye guud ka noqda Qaramada Midoobey,waxaa uu u dhashay Dlaka Ghana.

Qoyskiisa iyo Hay’adda uu leeyahay ee Annan Foundation,ayaa shaaciyay in isaga oo ay la joogaan xaaskiisa iyo carruurtiisa ay nafta ka baxday isaga oo aan xanuun hore qabin.

www.calankamedia.net

Muqdisho-somalia   

Calankanews22@gmail.com

LEAVE A REPLY