SHARE

Haweeneey koomo ku jirtay mudo 14-sano ah ayaa cunug ku dhashay isbitaal ku yaala Hacienda HealthCare magaalada Phoenix ee dalka Mareekanka xili ay iyada bukaan ahayd.

Booliska Arizona ayaa haatan kiiskan yaabka badan baaraya madaama haweeneyda cunuga dhashay ay bukaan ahayd waxaana kiiskan loo diiwaan galiyay xad gudub galmo sharci daro ah (Kufsi) oo lagula kacay qof bukaan ah oo xaalad ogaansho la’aan ku jirta.

Sidoo kalena booliska waxay baarayaan aabaha cunugaan dhalay ayadoo hidaha sidaha ama DNA-ga laga baarayo waana kiis culus oo siweyn saxaafada wadanka mareykanka u hadal heyso.

Haweeneyda aan magaceeda la carbaabin ayaa cunuga dhashay bishii hore December marka ay ahayd 29, sidoo kalana xaalad ahaan cunuga wuu wanaagsan yahay iyadana weli koomo ayay ku jirtaa waa bukaan oo aan ogaal dhameestiran laheyn.

Shaqaalaha iyo madaxda Isbitaalka Hacienda HealthCare marnaba kama war qabin xaalada uurkeeda ilaa markii dambe xanuunkeeda la ogaaday xiliga ay dhalmada ku dhawaatay taasi oo la yaab ku noqotay shaqaalaha kadibna dhalmo bad baado ku jirto loo fidiyay lana war galiyay booliska.

Haatan gabi ahaanba waa la xadiday hooyada aan ogaalka laheyn qolkeeda cidda booqaneyso sidoo kalena guud ahaan qolalka bukaanada Isbitaalka Hacienda HealthCare ku jiraan waxaa loo diiday ragga shaqaalaha ah inay kaligood galaan qolalka dumarka bukaanada ah ku jiraan waxaana qasab ah in shaqaale haween ah la socoto dhaqtar walbo oo lab ah oo bukaan dhidig ah booqanayo.

Madaxda isbitaalka Hacienda HealthCare waxay iska fogeeyeen inay kiiskan ku lug leeyihiin sidoo kalena waxay sheegeen inay booliska 100% baaritaanka kala shaqeyn doonaan diyaarna u yihiin inay gacan walbo ka geestaan soo qabashada dadka sharafka isbitaalka meel kaga dhacay kuna xad gudbay haweeneey 14-sano koomo ku jirtay.

Dhacdooyinka dunida waa cajiib, waa dhacdo qof walba uu la cajiibi doono.

La Wadaag Asxaabtaada, si ay wax uga ogaadaan dhacdadaan laga hadal hayo USA.

LEAVE A REPLY