Home WARARKA GUDAHA Gudoomiye shaaciyay Sir ku aadan Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir

Gudoomiye shaaciyay Sir ku aadan Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir

64
0
SHARE

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa shaaciyey sir culus oo ku aadan weerarkii xooganaa ee shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose Xamar.

Tuulax ayaa sheegay weerarkaasi ay hagayeen dad ku sugan gudaha dhismaha xarunta mamaulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay baarayaan cida la shaqeyneysay Haweeneyda is qarxisay oo la rumeysan yahay inay ka tirsan tahay shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Maxamed Cabdullaahi (Tuulax) ayaa intaasi ku daray in dib loo baarayo waxa ay duubeen Kaamirooyina ku xiran xarunta, si loo ogaada sida ay wax u dhaceen.

Qaraxan oo ay sheegatay Al-Shabaab, islamarkaana ay ku dhinteen guddoomiyeyaal iyo agaasimeyaal heer gobol ayaa waxaa la’is weydiinayaa, sida uu ku suuragalay weerarkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa guddi gaar ah u xilsaartay dhacdadan, kuwaas oo sidoo kale ka shaqeyn doono, sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay qaraxaasi.

LEAVE A REPLY