Home WARARKA GUDAHA Guddi Qaban qaabiya Shir weyne looga tashanayo Mustaqbakka Puntland oo la magacaabay

Guddi Qaban qaabiya Shir weyne looga tashanayo Mustaqbakka Puntland oo la magacaabay

87
0
SHARE

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka duulaya Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Xukuumadda  Puntland ee ku qabsoomay magaalada Boosaaso, Bishii February 07, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid ahayd in la qabto shir weyne wadatashi ah 15-ka Bisha March 2020 oo ay isugu imaanayaan Goleyaasha Puntland iyo Wakiillada ku matala Dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka si looga tashado mustaqbalka  Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgelinta hanaanka Federaaleynta Dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu u magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shirka Wada-tashiga Dowladda Puntland xubnaha hoos ku xusan:

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.

11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin.

LEAVE A REPLY