Home WARARKA GUDAHA DHAGAYSO:Qaraxyadii Maantay Ka dhacay Ceel-Waaq iyo Maqaayado Lagu …

DHAGAYSO:Qaraxyadii Maantay Ka dhacay Ceel-Waaq iyo Maqaayado Lagu …

332
0
SHARE

Sida aan hordhac idiin ku sheegnay waxaa Labo Qarax oo xoog badan ay ka dhaceen Maanta Duhurnimadii abaare Sideedii saac Wakhtiga Soomaaliya Degmada Ceel waaq Ee Gobolka Gedo.

Qaraxyada ayaa ahaa miinada dhulka la geliyo oo lala Beegsaday Labo Maqaaxi oo Dadka kusugnaayeen islamarkaana waxyeelo ay ka dhalatay.

Goob jooge kusuganaa Maqaayadaha la qarxiyey midood ayaa ka sheekeeyey sida ay wax udhaceen isagoo tibaaxay in aad ay uxoog badnaayeen Qaraxyada.

Ilaa 7 Qof oo Shacab ah ayuu xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen Qaraxyada oo aysan jirin khasaaro dhimasho ah inkastoo midkood dadka dhaawaca uu culus yahay sida goob joogaha sheegay.

Waxa uu sheegay wiilkaasi dhalinyarada Ceel waaq ka mid ah in Maqaayadahaasi ay fadhiisan jireen Ciidan katirsan Dawlada balse xilli wax dhacayeen aysan ciidan joogin goobta.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA:

LEAVE A REPLY