Home WARARKA GUDAHA Darawal Mooto Bajaajle ah oo lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

Darawal Mooto Bajaajle ah oo lagu Toogtay Magaalada Muqdisho

979
0
SHARE

War Goordhow naga soo gaaray Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilkan uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir,isl markaana uu geystay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Isbitaal Banaadir ee ku yaalla Hodan ee Gobolka Banaadir.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa yaalla Meydka Darawalka loo geystay dilkaas.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu dilka dhacayay ku sugnaa halkaasi ayaa gacanta ku dhigay Askarigii ka dambeeyay dilka Darawalka Mooto Bajaajle ahaa.

LEAVE A REPLY