Home WARARKA GUDAHA Ajaaniib ka tirsanaa Al-Shabaab oo la qabtay+Sawirro

Ajaaniib ka tirsanaa Al-Shabaab oo la qabtay+Sawirro

SHARE

Jubbaland ayaa warbaahinta u soo bandhigtay rag Ajanaiib ah oo ay sheegtay inay ka barbar dagaalamayeen Xooggaga Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa sheegay in raggan oo sadex ahaa lagu soo qabtay howlgal ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaciyey in xubnaha Ajaaniibta ee la soo qabtay ay dhammaan u dhasheen dalka Tanzania.

Ma shaacin hay’adaha amniga Jubbaland magacyada raggaasi iyo wax ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi.

Qabashada Ajaaniibtan ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkii dambe ay kordhiyeen howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee K/Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirro:

 

LEAVE A REPLY