Home CIYAARAHA Wariye TV ka tabiya ciyaaraha oo xabsiga la dhigay

Wariye TV ka tabiya ciyaaraha oo xabsiga la dhigay

120
0
SHARE

Mid ka mid ah wariye yaasha ka shaqeeya Tv-da tabiya cayaaraha ee dalka Belgium-ka ayaa la xiray kaasi oo police-ka ay ku eedeynayaan in uu qeyb ka yahay fal dhac ah oo ka dhacay dalkaasi sida ay sheegtay waaxda dacwad soo oogida.

Stephane Pauwels oo barnaamijka cayaaraha ka tabiya Tv-yo ku yaal Belgian iyo French ayaa la dhigay xabsi iyadoo su,aalo laga weydiinayo kooxo hubeysan oo dhac ka geystay sanadii 2017-dii magaalada Lasne oo dhanka koonfur kaga beegan caasimada Brussels.

Arintaan ayaa arbacadan maanta ah waxaa warbaahinta u xaqiijiyay haweeneyda afhayeenka u ah waaxda dacwad soo oogida oo lagu magacaabo Wenke Roggen.

Shan qof oo ku lug laheyd falkaan dhaca ah ayaa sidoo kale u xiran dowlada.

Stephane Pauwels oo da,diisa ay tahay 50 jir ayaa ah qabiir ku taqasusay dhanka cayaaraha waxaana uu ka soo shaqeeyay Tv-yo badan oo ku yaal Belgian iyo French.

Dhanka kale madaxda shirkada uu u shaqeeyo oo lagu magacaabo Belgian news agency Belga ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan Arintaan waxaana ay ku tilmaameen in ay tahay Arin shaqsiyadeed.

 

LEAVE A REPLY