Home QORAAGA & QORMADIISA Dawlada Jabuuti Geeska Afrika Miyaa Laga  Tirtiray?

Dawlada Jabuuti Geeska Afrika Miyaa Laga  Tirtiray?

123
0
SHARE

Madaxweyne Farmaajo, Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki  ayaa waxay sameysteen koox la baxday ESE oo ah magacyada  wadan kooda oo la soo gaabiyay waxay u eg tahay in la soo gaaray waqti la bur burin lahaa ururkii IGAD ee dawlada itoobiya ku shaqeysan jirtay marka awooda ay haysteen kooxdii Tegreega ahayd.

Waa inaan is waydiinaa sadexdan dal ee Itoobiya,  Ereteriya iyo Soomaaliya waqtigan la joogo xaalada siyaasada guda ah ma tahay mid ay ka jirto daganaan?

Waxaa ka jira wali dalka itoobiya  kacdoonkii bilowdey  2014 ee ahaa colaada Qawmiyadaha wali waa socdaa xal siyaasadeed lagama gaarin dalka waxaa ka jirta dhaqaali xumi weyn oo ah wadanka oo dhan waxaa yeeshay dalka shiinaha oo amaah aan la aqoon siyeey kooxdii meesha laga saarey ee tigreega.

Waxaa jirta shaqo la’aan baahsan gaajo iyo colaad wadanka oo kala xiran xaalada wadanka Eriteriya.

Ereteriya waa wadan cuna qabateyn saaran tahay dhaqaalo xumi weynka jirto Dhalin yarada waxaa lagu qasbaa ciidanka  ama shaqada dawlada ah oo qasab ah, cuntada iyo wax walba waa qaali mushaarka dadka qaataan maalin ayaa lagu qadeeyaa.

Sidaas darteed dad badan oo aanan doonaynin in ay ciidanka ka mid noqdaa ama shaqada qasabka galaan ,  wadada kaliya ee u furan waxay tahay inay wadanka ka qaxaan.

Maanta waxa ay dadka reer Eritrea ka buuxaan xerooyin qaxooti oo ku yaala Itoobiya iyo Sudan, ama waxa ay isku biimeeyaan saxaraha iyo badda Mediterranean si ay u gaaraan qaaradda Yurub.

 

Waa dal uu xukumo nin  kaligiis taliye ah  oo dhiigya cab ah dadka wax mu  caarada Koronto ayaa lagu dilaa Eritrean-ka waxa ay noqdeen dadka ugu badan ee ka tahriiba, Qaarada afrika.

Somalia waa dal u kalo go’ay qeybo Faderaal Xuduud qabiil ku dhisan dawlad awood dhexe oo hotel xafiis u yahay madax ku raasta musuq maasuq ku yimid daal joogta ah iyo Qarax joogta ah  oo kooxda al shabaab wadaan mana lihin  ciidan qaran sidoo kale dhaqaale qaran.

 

Iyagoo sadexdan dawladoo ku jiraa liiska dawladaha fashil may ee caalamka(.Fragile States) Ethiopia. Eritrea ,Somalia failed states in the Horn of Africa, waxaana kamaqan dawlada jabuuti oo aan fashilmin.

Halkan waxaa nooga cad in dawladnimada waqtigan  ka jirta Somalia , Eritrea , Ethiopia in  ay caalamka ka yihiin dawlado fashil may sida aan wada og nahay. Waxay hore u Qorsheeyeen in ay ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha Sebteembar 2018, oo ah beri kolanka sadex geesoodka ah  ayaa u muuqda mid laga maarmay wadanka jabuuti oo ku yaal marinka ugu muhiim san geeska africa. Kana dhaqaalo iyo siyaad wanaagsen dawladahan laha geeska afrika.

Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda mid galay marxalad siyaasadeed oo cusub, iyadoo dawlada jabuuti ka baqan tahay mar xaladan lama hubo cidda haysa hoggaanka isbaddalka iyo saamaynta isbaddalkaas uu ku yeelano danaha siyaasadeed ee wadanka jabuuti Siyaasada is riixriixa ee u dhaxaysa  Mareykanka iyo Shiinaha, iyo dawlada imaaraadka carabta oo siyaasadan qeyb weyn ka ah.

Waa garan karnaa danta ka dhaxaysa itoobiya iyo Eriteriya waa laba dal oo waqti dheer hal dal isku ahaa ka dibna dagaal dheer dabadiid Go’aan ku gaarey inay kala go’aan wali wax bada ayaa ka dhaxeeya sida xuduud dhuleed ayaa ka dhaxeeya mid dhaqan ayaa ka dhaxeeya iyo mid taariikheed

Waxaa wanaagsen inaan wax iska way diino somalia iyo itoobiya iyo eriteriya maxaa ka dhaxeeya oo ah mid oo isku qasbi kara inay sheeyaan isgaashaan buuraysi jabuuti lagu colaadinayo?

Marka hore somaliya Go,aan keeda siyaadadeed ee xiriirka dawladaha shisheeye iyo danta shacabka soomaaliyeed  ma mid uu madaxweyne Farmaajo jebkiisa siyaasadeed ku wataa?

Waxaan wada og nahay in hore Hadalka  qoraal oo ay  soo saartay safaaradda Jabuuti ee Muqdisho, kutaa inay ka hadashay xiriirka somalia iyo Eritrea in dawlada Soomaaliya ay xaq u leedahay inay xiriir diblomaasiyadeed la yeelato Eritrea, laakinse wax la ogolaan karo ma aha in walaalaheen Soomaaliya ay taageeraan Eritrea oo ku jirta qayb dhulkeenna ka mid ah, welina beeninaysa inay hayso maxaabiis reer Jabuuti  aduunkana u diraan fariin ah in cunaqateynta laga qaado dawlada Eritea.

Khaladkaa ay tirsaneyso dawlada jabuuti waa mid ugaara hogaanka madaxweyne Farmaajo,waxaa  sidoo kale iska cad in ay meel xun marayso colaada dawlada jabuuti u qaadey madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne ismail cumar gaale wuu diiday in uu wax kulan ah la sameeyo madaxweyne Farmaajo intii uu socday Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee (FOCAC)   Isku dayga inay kulmaan waxaa si toose uga shaqeenayey  Raysal wasaaraha Itoobiya mudane Abi.

Waa maxay  danta dawlada imaaraadku?

Dowladda Imaaraadka ayaa u muuqata inay dharbaaxo aan toos ah la heshay Jabuuti waxay doonaysaa in Badeecadaha Ethiopia uga soo dega Dekeddaha Jabuuti loo wareejiyo Dekeddaha Asmara iyo Musawac ee dalka Eritrea.

Ethiopia oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 million oo qof waxay 95% ganacsi la leeyihiin Jabuuti.

Waxaa qoray: Danjire Hore Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim), oo ah aqoonyahan iyo siyaasi darsa siyaasadda waddamada gobolkaAfrika, islamarkaana ku nool dalka Finland.

Email: Caalim68@hotmail.com

Www.Calankamedia.net

Muqdisho-Somalia.             

calankanews22@gmail.com

 

LEAVE A REPLY