Home BULSHADA Nin ku nool godkan oo fallaaro iyo masaar ku dila cidii u...

Nin ku nool godkan oo fallaaro iyo masaar ku dila cidii u soo dhawaata

123
0
SHARE
godka uu ku dhuunto marka uu qof dili rabo ama la soo weeraro

Ninkan oo ku jira da’diisa 50aad,waxaa uu ka soo haray qabiilkiisa oo la isir gooyay,waxaana uu 22 sano ku noolaa keymaha Amason ee dalka Brazil.

Ninkan oo ka dhashay qabiilka Flecheiros, oo la micno ah  “Dadka Fallaaraha”,waxaa uu kali ku yahay Keynta Amazon,halkaas oo uu 22 Sano ku noolaa.

sawir laga qaaday 2012-kii

Waxaa uu Dooxada Javari ee Keymaha Amazon ka sameystay God uu ku hoydo,mana oggola in lala xiriiro, Dad iyo Dugaag ciddii isku dayda in ay u dhawaatana,waxaa uu siiyaa digniin,kaddibna waa uu toogtaa oo fallaar iyo Masaar ayuu la dhacaa.

Qofka sheekadan qoray oo aan magaciisa sheegin ayaa ka mid ahaa saraakiil Hay’adda FUNAI ay u dirtay keynta Amazon si xogta qabiilkaas iyo halka ay ku dambeeyeen loo ogaado.

waa guriga uu ku noolyahay 50 sano

Hay’addan waxaa ay heysaa taariikhda iyo dhaqamada 30 Qabiil oo reer Brazil ah,qabiilka uu ka soo jeedo Ninkan ee la dabargooyay,waxaa ay ahaayeen kuwo dhulkooda uu hodon ahaa,Ninkan ayaana u heysta in keynta Amazon ay ka mid tahay dhulkooda laguna xadgubi Karin.

godka uu ku dhuunto marka uu qof dili rabo ama la soo weeraro

Hay’adda waxaa ay hadda u ololeysaa in Ninkaas loo daayo 30kM oo keynta ka mid ah oo uu aaminsanyahay in ay dhulka qabiilkiisa yahay,maalin kasta ayuuna ku wareegaa oo waaba uu waardiyeeyaa.

Qabiilkiisa waxaa xasuuqay oo cirib tiray qabiillo kale intii u dhaceysay qarniyadii 18aad iyo 19aad, sababtuna waxaa ay ahayd kheyraadka ku jira dhulkooda.

waa sawirka ninka ka soo haray qowmiyadda

Saraakiisha hay’adda ayaa xiriir la sameeyay labo qabiil oo kala ah Kanoê iyo Akuntsu,waxaa ay deris la yihiin Keynta uu Ninkan ku noolyahay.

Ninkan uma noola sida Bani’adamka,wax xiriir ahna lama laha dadka kale,waxaa uu cunaa Caleynta Geedaha,waxaa kale oo uu ugaarsadaa Cidoodka ama Duurjoogta.

 

Brazil,waxaa ay ka mid tahay dalalka ay ka dhaceen dagaallada sokeeye ee ugu xun caalamka,waxaana lagu xasuuqay qabiillada qaar oo qaarkood uusan xitaa hal qof ka harin.

Scott Wallace,waa Bare sare oo cilmiga Warbaahinta ka dhiga Jaamacadda Connecticut,waa qoraaga buugga ‘qabiillada aan lala xiriirin ee Amozon’.

www.calankamedia.net

Muqdisho-somalia   

Calankanews22@gmail.com

LEAVE A REPLY